GOOGLE ADSENSE ISSUES AND HOW TO SOLVE (WEBSITES)

Muqaalkan waxad ku baranasaa sida loo ogaado in la soo diiday website kaagii aad ku xidhatay google adsense, iyo sida loo saxo cilada lagugu soo diiday kadibna loo saxo ciladaasi.

Muqaalkan waxad ku baranasaa sida loo ogaado in la soo diiday website kaagii aad ku xidhatay google adsense, iyo sida loo saxo cilada lagugu soo diiday kadibna loo saxo ciladaasi.

Kadibna loogu celiyo markaad soo saxato waxa lagugu haysatay "request review" iyo meesha aad kala soconaysid in lagu soo aqbalay iyo in kale.




Waa muqaal gaaban lakiin macno wayn xambaarsan Ka faa'iidaysi wacan dhamaantiin. 
Si aad u shesho google adsense approval waxa muhiima inaad website kaaga u dhistay si xeer sare ah.

Dhismaha website ka waa uu fudud yahay, waxa uu kaa rabaa inaad fahanto sida loo dhiso website approval ah.
Website blogg ah oo dhamaystiran inaad dhistaa waxay kaa qaadanaysaa mudo aad u yar, kaliya dadaal dheeri ah la imaw.


Buuxi shuruudah hoos ku qoran.


1. Samee About, contact us iyo privacy and policy pages websitekaaga waa inuu lahaadaa 3daan page oo kala ah: Privacy and policy, Contact Us, About us, terms and conditions, disclaimer. Waxa ay kuwani kuu fududaynayaan adsense policies inaad la kulanto, was sharci aan la dhaafayn 

2. Ku dar Google search Console website kaaga ku xir google search console iyo google analytics.
3. Navigation fiican waa in uu leeyahay website kaaga waa inuu leeyahay navigation.

4. Themes Fiican isticmaal Theme-ga aad websitekaaga ku dhistay qeyb muhiim ayuu ka qaadan karaa in lagu soo aqbalo maxaa yeelay google ka badanaa wuxuu soo aqbalaa website yada quruxsan oo nidaamsan.

5. dhig 15-20 post Inta aadan dalban google adsense waa in website kaaga ay ku jiraan ugu yaraan 15 post ama wax ka badan oo midkiiba 500 erey uusan ka yareyn.

6. Sawirada kuugu jira website kaagu waa inay dhamaantood ahaadaan kuwa unique ah ama free ah.

Ha soo download garaysan kuwa hore loosoo galiyay internet ka, waayo kaas waxa iska lee qofkii soo gashaday hawada.

Waxaad sawirada freega ah kala soo degi kartaa pixapy, pexels, iyo kuwa kale, booqo oo kala soo deg sawirada freega-ah eed rabtid.

7.  Articleda ama postiyada waa inaad u qurxisaa si aad u qurxoon oo aadna u nidaamsan, haday kaa kala daadsan yihiin qoraaladaadu ama waxad qortay runtii google adsense ma soo aqbalaayo, markaa aad u nidaami postiyada.

8. Postiyada erayada ay ka kooban yihiin ha badnaadaan ugu yaraan 800 oo erey ahaadaan-iyo-waxii kasii badan.

ERAYGU WAA SIDA (WAR, HADAL, AXMED,)
kuwan ayaa layidhaah erayo dhamaystiran, dadka qaar ayaa moodaaya inay in 'xaraf la sheegaayo' xarafku waa sida (A,B,C,D). Markaa waxa la rabo inaay 800, 500, ama 1000, eray waa erayada sare, saas u fahan. 

Hadaad rabto inaad ogaato inta eray ee uu ka kooban yahay maqaalkaagu google ka kusoo qor "word counter" kadib ku basti garee maqaalkaaga-meesha laguu baneeyo, waxuu kuu sheegi doonaa inta eray ee uu ka kooban yahay, maqaalkaagu.
Waxaad kaloo ka heli kartaa macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sida loo helo Google AdSense approval adiga oo booqanaya Google AdSense Help.

THEME /TEMPLATE TAYO LE (naqshad).




Theme ama template waa naqshada aad saarayso website kaaga, taas oo website kaaga ka dhigaysa mid aad u qurxoon oo tayo leh, theme ka aad ku shubto website kaaga waa inuu ahaadaa mid tayo leh. Theme free ah oo tayo leh waa ay jiraan oo waa la helaa, waxa aad ka helaysaa website ka 'hoygacrypto.com' waxa ku jira naqshado aad  u qurux badan oo tayo sare leh, soo dajiso waa free dhamaan-tood. 

Naqshada ama theme ku waxa uu kaa caawinaya intaan;

1. Ina website kaaga yahay mid aad dan fog ka leedahay.


2. Soo jiidashada dadka kusoo booqda sida sax-da ah (organic-traffic).

3. Waxa si fudud loo arkaya waxa ku kaydsan website kaaga, waxa uu suuro galinayaa inaad samaysato pages ama category badan oo fududay-naaya in wax laga akhristo.

4. Google adsense waxay xooga saartaa in website kaaga uu leeyahay awood uu kaga jawaabo fariimaha, taasna waxa kor u qaada theme ka kuu saaran website-kaaga.

5. Waxa uu fududeeyaa in si dhakhsiyo ah loo soo aqbalo website-kaaga.

6. Waxa uu ku siinayaa meeshii aad soo gashan lahayd ads-ka, khaanado loogu tala galay ayuu leeyahay.

7. Waxa uu leeyahay awood uu ku soo muujiyo sawirada iyo muuqaalada aad soo galis website-kaaga.

8. Waxa uu kuu suuro galinayaa inaad website-kaagu uu ka soo muuqdo google-ka, taasina waxay keenaysaa inaad hesho dad badan oo kusoo booqda website-kaaga, waxa uu ka dhigaya website kaaga mid caan ah.

9. Waxa uu ku siinaya link-list iyo menu pages qurux badan oo fudud, waxa waraa khaanado aad soo gashan kartid social media- yahaaaga, sida facbook, youtube, telegram, Twitter, Instagram etc.

10. Waxa uu qurxinaya dhamaan magaalada ku jira website-kaaga.


MA KU SOO AQBALI KARA BILAA ADDRESS?

MAYA!. waayo address ku waa meesha uu Google adsense ku ogaanayo inaad adiga degentahay waayo address qof aan lahayn hadhaw haday wax dhacaan malaha meel loo raaco saas awgeed ayuu adsense uu xooga u saara in qofku lee yahay address valid ah oo shaqaynaaya.
Hadaba adigoo tix galinaya shuruucaha shirkadan waa inaad ilaalisa rules kooda
Marka waad wada shaqayn kartaan.
Sharcigooda adigoon akhriyin ayaad tidhaah way isoo diiden ama waxba kama jiraan ka dhigtaa shirkadaba, adigoon degdegin Fahan waxa u yaala iyaga waayo hadii kale waxba ma kala helaysaan,


WAXA KEENA CILADAH SOO NOQNOQDA.

Inta badan waxa keena ciladaha soo noqnoqda sida, low volume content iyo we found some policy valuation, waxa weeyi Dhanka postiyada.
Uhu horayn iska hubi in posti-yadaadu ay tiro ahaan gaadhaan 20 post iyo waxii ka sii badan, hubi in posti-yadaadu ay yihiin unique ama free aad adiga mooyee cid kale kula lahayn.
Sidoo kale waxa keena inaadan soo gaadhaan pages ka muhiim ka ah een xaga sare ku soo sheegnay.

Sidoo kale hubi in theme ka uu di fiican i naqshadaysay oo uuna is dhexdaad-sanayn. Hubi sidoo kale in hadii aad video soo galisaya oo aad youtube ka soo galisay, inaad kusoo qaaday embuded.

OGOW ADIGOO SOOMAALIYA JOOGA AYAAD ADSENSE LACAG KA SAMAYN KARTAA.


Kaliyaata raac talaabooyinka sare.


Post a Comment

Previous Post Next Post