HOW TO SOLVE GOOGLE ADSENSE ISSUES?

muuqaalkan waxa aad ku baranasaa sida loo xaliyo ciladaha GOOGLE ADSENSE kugu soo diido, muqaalka hoostiisa waxa si faahfaahin san aan ugu sharaxay muqaalkan iyo waxa uu ka hadlaayo, si fiican ayaad u fahmi doonta sida loo xaliyo ciladaha ugu muhiimsan ee website-kaaga lagu soo diiday.




SIDEE LOO XALIYA CILADAHA GOOGLE ADSENSE KA YIMAADA?

Inta badan google adsense markaad dalbato waxa uu kugu soo celiya dalbashadaada, cilado jira awgeed.
Ciladahaasi waxa keena adiga oo aan si fiican website kaaga u dhisin, dhanka postiyada ha ahaato, ama dhankalabee ciladu waxay ka timaada inta badan waa dhankaaga. Hadaba si aad ciladahaasi u fahanto waxaad u baahan tahay
Inaad akhrido warqaday kuu soo diraan, inta badan waxay soo diraan, low volume conten iyo policy evaluation.

Lakiin si cad kuguma sharaxayaan meesha ay ciladu ka jirto, markay saa tahay waxaad dib u eegis dheer ku samaynaysaa website kaaga.
Ugu horeyn waxaa aad iska eegtaa in website kaaga ku jiraan ugu yaraan 20 post, sidoo kale waxad iska eegtaa in sawirada ama muuqaalada ay yihiin kuwa aadan adiga lahayn. Waayo waxay yeelayaan copywrite markaa waa khalad adeegsiga sawir ama qoraal aad ka soo qaadatay
Internet ka.

Waxad sidoo kale iska eegtaa in ay kuu dhisan yihiin pages sida; privacy policy, terms and conditions, disclaimer, about iyo contact us .


Intaan aad iskaga hubi inay kuu samaysan yihiin, waayo waa waxa uu google adsense diirada saaro ugu horeyn ta.
Hadii uu cilada `low volume' ku soo diro, waxad dib ugu noqonaysaa postiyada ku jira website kaaga Dhamaantood.
Waxa aad ka eegaysaa ina ay wax copywrite ahi ku jiraan, sidoo kale hubi in sawirad ay yihiin kuwa kuu gaara oo aanda google si toosa ugala soo degin.

Sawirada waxad kala soo degtaa pixapy iyo pexels waa free sawiradasi, hadii aad hore ugala soo degtay galkaasi waa ok.
Article/post's ka waxad si free ah ugu diyaarin kartaa ChatGPT, oo ah artificial intelligence ku siinaay maqaalo free ah, ku diyaarso oo soo gasho website-kaaga.
Hubso in uu gmail kaagu uu da'da ka weyn yahay 18 sano, waa muhiim tani.

email ka aad ku samaysay google adsense iyo kan blogger kuba waa inay 18 sano ka weyn yihiin.
Da'da email ku waa xiliga aad dhalatay ee kuugu qoran email kaaga ama gmail kaaga, hadii markii aad samynaysat email ka aad ku samaysay da' ka yar 18, shirkadani ma ogola da'daasi.


Tusaale: hadii aan email ka ku samaystay inaan dhashay 2008 oo hada la maraayo 2023, da'day du waa 15 sano markaa lama ogola da'daasi oo kale ka weynasiiso 18 marwalba.

WAA MAXAY ARTICLE AMA POST? 

Article ama post af-somali waxa la yidhaa (maqaal).
Article ama post waa qoraal ka aad soo galinaysid website kaaga, kaas ayaa la yidhaah maqaal/post,
Maqaal ka aad soo galinayso website kaagu waa inuu ahaada mid aad u qurxoon oo soo jiidanayaa qofka akhristaha ah. Post/article waa inaad u habaysaa si aad u qurxoon sida hada kanaad akhriyayso oo kale, waa inuu lahadaa head-line, sub-heading, iyo qoraaka aad wax ku sharaxayso oo si fiican u qoran.

Google adsense waxay xooga saarta nidaamka aad wax u qortay iyo sida ay u qurxoon yihiin,
Marka aad qoraysid maqaal/article waa inaad aadd u dheeraysaa maqaalka ugu yaraan ka-dhig ilaa 500- 1000 words/kalmadood, sida shirkadu rabto weeyi sidani.
Sawir waa inuu la socdaa maqaalkaaga waayo wuu qurxinaya waxa uuna u samaynayaa macno, markaad qoraalka qortid waxad sawirka soo galisaa meesha u saraysa.

Sidoo kale waxad sawiro kale soo galisaa melaha dhexe iyo dhamaadka, tani waxay macno badan u samaynaysaa waxad qortay.



SIDEEN SAWIRO FREE AH U HELI KARAA?


Sawirada free-ga ah waxa aad kasoo download garaysaa; pixapy, pexels iyo kuwa la mida ah.
pixapy, pexels: waa website-yo ku siinaya sawiro iyo muqaalo free ah, kala soo deg sawirada aad rabto ee la xidhiidha marba article-ka aad qorayso.
Sawirada aad ka soo download garayso waa free dhamaan-tood, lakiin haka soo dajisan Google-ka si toosa, waayo kuwaa dad ayaa xuquuqdooda leh.
 
Hadii aad sawir kala soo degto google ka si toosa waa inaad edit marisaa ama edit-garaysaa waxna ka badashaa marka adiga xuquudiisa yeelan doona.


SIDEE KU HELAA POST FREE AH (MAQAAL).

Muuqaal dhamaystiran ayaan ka sameeyay sida free post ama article loo hello, youtube ka kadar online ayaan soo galayay dhowr hab oo aad free article ku helaysid, dhamaan waa kuwa sax ah oo waxad adeeg sanaysaa ai.
Ai waa: artificial intelligence oo macnaheedu yahay caqliga macmalka ah.

Caqligab macmalka ahi waxa uu kuu siinayaa article/post free ah oo uu isagu kuu qoraayo, waa ay kala duwan yihiin ai-yadu waxana ugu fiican hada ka layiraahdo CHATGPT.
Waa mid kuu samaynaya article heer sare ah oo qurux badan, kaliya markaad soo gashato article ka blogg-gaaga qurxi oo head-line iyo sub-heading usamee, oo sidoo kale farta qurxi.

Meesha uu google adsense uu xooga saarayo maaha wadanka iyo addres kaaga ee waxa uu xooga saara waa nidaam ka uu website kaaga uu u dhisan yahay iyo siada posti-yadaadu u qoran yihiin.
Waxa uu xooga saara ama uu aad u eega waa inta ay leeg yihiin qoraaladaadu inay yar yihiin iyo in kale, hadii uu arko inay yar yihiin qoraalada aad qortay oo midkiiba ama post-igiiba uu ka yar yahay 600 ilaa 700 erey, waa ku soo diidaya, fadlan markaa iska dheeree qoraaladaada.

Qoraalka waa inaad aad iskaaga qurxisaa oo aad u yeeshaa  heading iyo sub heading iyo minor-heading ba kuwani hadad rabto inaad fahanto macnahooda waa inaad maqaalkaagu uu leeyahay ciwaan buur buuran iyo ciwaan hoosaad iyo mid ka sii hooseeya, khasab maaha kuwani inaad wada samaysaa laakiin l, waxa ugu muhiimsan waa inaad ciwaan fiican u samaysaa maqaalkaaga, iyo sidoo kale inaa taqaanid meesha la dhigaayo dhibicda ama full-stop ta iyo waliba hakad yada marka aad wax qoraysid.


Gunaanad:

Hubi post-yadaada oo 800 oo ray gaadhsii.
•hubi in posti-yadaadu free yihiin iyo sawirdaba.
•hubi inay kuu dhisan yihiin pages sida privacy policy, terms and conditions, disclaimer, about, contact us.
•theme qurux badan oo awoodle waa inuu kuu saaran yahay website-kaaga.



Post a Comment

Previous Post Next Post