What is difference between adsense and adsterra ads?

FARQIGA U DHEXEEYA ADSENSE IYO ADSTERA (DEFERENCE B ADSENSE AND ADSTERA)

Farqiga u dhexeeya adsense iyo adstera waa cad oo biyo kama dhibcaan ah ina ay ku cadaato, ugu horey shirkadahani waxay bixiyaan waa xayasiin taasi oo ay adiga iyo shirkadahani aad ku heshiiseen in si sharciya u kala faa'iidaan.

    • Shirkada Google waxay leedahay shuruuco gaara, shirkada adsterana waxay iyana leedahay shuruuco gaara. Waxa ay ku kala duwan yihiin waa dhinaca shuruudaha iyo dhinaca lacagtaba.


    Shirkada adsense iyo shuruudaheeda:

    1. Waa in website kaaga uu leeyahay ama ku jiraan 15 ilaa 20 post ama maqaalo aad adiga qortay ama free kuu ah.

    2. Waa in websitkaagu u habaysan si heer sare ah.

    3. Waa in websitkaagu leeyahay contact page, about page, privacy policy page, terms page, disclaimer page.

    4. Waa in websitkaaga u iibisaa domain, ama magacawebsitekaaga.com si loo ogaado inaad danbadan ka leedahay website-kaaga.

    5. Waa in websitkaaga ay ku jiraan maqaalo iyo saro kuu khaasa ah (aanad soo copy-grayn), oo maqaalkiiba ilaa 800 oo eray ku jiraan.

    6. Theme/template qurux badan waa inuu kuu saaran yahay website-kaaga oo awood leh.

    7. Waa inaad haysataa addres wadan ay shirkada adsense ogoshahay (eligible country address).

    8. Passaport, id ama license-drive: waa inaad haysato mid ka mida intaan oo isla wadankaad adeegsatay address kiisa ah.

    9. Bank account, PayPal, payoneer iyo kuwa kale oo Adsense uu ogol yahay waa inaad haysato in kastoo aad diyaarsan karto xiligaad rabto, marka laguu soo aqbalo ayaa lagu weydiini bank account ka.

    10. Secure e-mail: waa inaad e-mail kaaga aad adkaysaa amaankiisa.



    Shuruudaha adstera.

    Shirkada adstera waxa postiyo ah ama shuruudo ah oo ay kugu xifhaysaa majiraan. Kaliya waa inaad leedahay website available ah oo xayasiin laga soo muujin karo waxayna kugu soo aqbalayeaa wax ka yar saacado.

    Hadaba shirdaha sidahan sida ay u kala shuruuco adag yihiin ayay u kala lacag badan yihiin, waxan aan si fiican kuugu sharaxay taybalkan hoose ee si fiican u akhri, waxa aan taybalkan hoose kuugu kala saaray sidaad u ogaato farqiga u dhaxeeya adsense iyo adstera.

    Labadan shirkadood waxa faa'iido badan waa shirkada ADSENSE,  waayo waa 1000 ka views shirkada adsense waxay kugu siinaysa lacag dhan ugu yaran 0.25-2.5 per 1000 views, inta badan qay ka badataa waxa laga yaaba marka lagaa soo booqdo wadamada high cpm ka ah in lacag gaadhaysa 15- 25 $ inaad hesho, hadii xaysiinta la sii taabtana waa lacag kale, hadii wax laga dul iibsado website-kaaga wa lacag kale.

    Marka aad isbarbar dhig ku samayso labadan shirkadood waxa kusoo baxaysa in shirkada adsense ay tahay mid lacag fiican kugu siinaysa waxa aad soo gud-binaysid, saa awgeed shuruucaheegu waa at ka adag yihiin shuruucaha adstera. 


    DHANKA QIIMAHA IYO KALA DUWANANSHAHA.

    Maraka la qiimeeyo dhanka CPC-ga (cost per click) oo ah qiimaha taabashada xayasiinta, shirkada adsense waxay ay ku bixisaa qiimo yaal kala duwan 0.25, 2.5, 10, 15 meelahas ayay kugu siinaysaa taabashada xayasiinta laguy taabtay iyadoo ay ku xidhan tahay wadamada uu joogo qofka kuu taabtay, hadu joogo united states, united kingdom, jermany waa high CPC, oo macnaha waa ka lacag badan yihiin dadka kale ee ku nool wadamada kale ee dunida.

    Dhanka adstera CPC-GA (cost per click) waxay ku bixiyaan lacag aad u yar, 1000 views laga yaaba inaanay 2 $ gaadhin, sidaa awgeed waxa kuu fiican mar walba inaad adsense aad ku xidhato website kaaga, buuxi shuruudaha adsense oo u dadaal waad ku guulaysanaysa approvel ka e.

    Shirkadani ma ciyimaan oo si toosa uma sheegaan qiimaha ay ku bixiyaan 1 view ama 1 qof ee kuu eega, waayo waxa kala duwan marwalba dad websit-kaaga soo booqanaya meelaha ay ka imanayaan, saa awgeed ma sugna qiimayntu mar walba.


    TALO IYO TUSAALE.

    Marka aad rabto ina aad guul ka gaadho arimaha websites ka ama ka samaynta lacag laga sameeyo xauasiin ay shirkado bixinayaan, waxad u baahan tahay inaad ogaato aqoon buuxdana u yeelato sida aad lacagta ku smaanynaysid iyo jidka ay kuu soo marayso lacagta aad shaqaysato, hadaba arimahani waxay kaaga baahan yihiin baadhitaan dheeri ah waxan ku sunaaya tusaaleyaal iyo talooyin ee si fiican u fahan..

    Marka la eego meesha ay lacagtu kaaga imanayso waa xayasiin websit-kaaga lagu xayasiinayo alaab ama adeegyo ay leeyihiin shirkado dunida daafaheeda joogaa, alaabta lagu xayasiinaayo websit-kaaga waxay ay noqon kartaa qalbka dhismaha, Electronic, buugaag, daawooyin, iyo waxii la mida.


    MA XALAAL BAA MISE WAA XAARAN(LACAGTULACAGTU)?

    Lacagta aad ka samaynayso xayasiinta websitkaaga kasoo muuqataa waxay ka imanaysaa, shirkada adsense ayaa heshiis lasoo galaysa shirkadaha haya laabta waxayna kula soo heshiisa in alaabta ay u suuq gaynayaan si online looga iibsado, kadib shurkada adsense ayaa waxay ku sii baahinasaa dhamaan baraha bulshada, hadaba si ay shirkada adsense u hesho dad alaabtii iibsada waxa ay dadka u samaysay meelo ay dadku isugu yimaadaan oo xaysiinta ay ku tusaan si loo iib sado meelaha ay samaysay ama ay ogoshahay waxa ka mida website-yada iyo youtube kaba, marka xaysiinta la soo dul saaro website-kaaga ama youtube channel kaaga wax sii arkaaya waa dad aad adiga sabab u tahay inaya arkaan.

    Hadab shirkadahi waxay lacag ka qaadayaan shirkadihii ay alaabta u soo iibiyeen oo waxa wayna lasii heshiiyeen marka hore, hadaba lacagta ay shirkada ka soo qaadeen ayay adiga badh ku siinayaan, maadaama oo dad ka iib saday ama arkay aad adiga sababtooda lahayd.


    GUNAANAD:


    -Shirakada adsense ayaa ugu fiican dhanka samaynta lacagta xayasiinta lagu bixiyo.

    -shirkada adsterra waxa ay ku furi kartaa xayasiin aan diin ahaan la ogolayn.

    -shirkada adsense ma bixiso sida caadiga xayasiinta xun-xun.

    -ku da'daal inaad wax tayo leh soo galiso website kaaga kuna xidhato adsense.

    -samee baadhitaan dheeri ah si aad waxan cilmi badan ugu yeelato.

    -shirkadan shuruudahooda buuxi si aad u noqoto mid dhaqaale ka sameeya.

    Waxii intaa dheer ee aanad fahmin ka daawo muqaalo aad ku fahmayso arimahan youtube ka kadaronline.

    Post a Comment

    Previous Post Next Post